Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay Shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Amisom ay ku leeyihiin deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubbada hoose.
Dagaalka oo ahaa mid culus, islamarkaana socday ku dhawaad hal saac ayaa wararka waxa ay sheegayaan dagaalyahanada Shabaab oo si wayn u hubaysan inay qaadeen dagaalkaasi.
Gudoomiyaha deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubbada hoose Muuse Macalin, ayaa sheegay inay hayeen xogta dagaalka Shabaab, islamarkaana Ciidamada ay u diyaarsanaayeen sidii ay isaga caabin lahaayeen weerarkaasi kaga yimid Al Shabaab.
Sarkaalkaan ayaa sheegay Shabaab dagaalkaasi inay ku gaarsiiyeen Khasaare isugu jira dhimasho & dhaawac islamarkaana ay arkeen maydadka xubno ka tirsan Shabaab oo yaalay goobtii lagula dagaalamay.
Dhanka Ciidamada Jubbaland & kuwa Amisom ee weerarka lagu soo qaaday ma uusan sheegin Khasaare ka soo gaaray dagaalkaasi, balse waxa uu tilmaamay Ciidamada si adag inay isaga difaaceen.
Saldhigaan xalay la weeraray ayaa waxaa ku sugan Ciidamada Kenya ee hawlgalka Midowga Afrika ka tirsan, waxaana uu u dhaxeeya Magaalooyinka Afmadow & Dhoobley ee Gobolka Jubbada hoose.
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…