Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Sergio Ramos oo jibiyay rikoor uu horay u dhigay Messi.

Kabtanka Kooxda Real Madrid ahna daafaca kooxdaas ee Sergio Ramos ayaa dhigay rikoor cajiib ah kulankii ay kooxdiisu guusha raaxada leh ka gaaray kooxda Girona kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga gaar ahaan todobaadkii 2-aad ee horyaalka La Liga.

Goolkii uu dhaliyay Sergio Ramos ayaa la macno ah in uu haatan dhaliyay xilli ciyaareedkiisii 15-aad oo xiriir ah horyaalka La Liga rikoorkaas oo ah mid ayna dhigin xiddigo badan oo weerarka iyo waliba khadka dhexe ah.

Xiddiga reer Spain ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee La Liga saftay xilli ciyaareedkii 2003/2004 markaas oo uu ciyaaray 7 kulan laakiin aan wax gool ah dhalin laakiin wixii intaas ka dambeeyay xiddiga yaa saamayn ku leh goolka hortiisa.

Goolkii ugu horeeyay ayaa dhashay bishii September 2004 isaga oo ka dhaliyay kooxda Real Sociedad xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay kooxda Sevilla kadib waxa uu u soo wareegay Real Madrid isaga oo dhaliyay 4 gool.

Goolasha ugu badan ee uu Ramos dhaliyayayaa ahaa xilli ciyaareedkii 2016/2017 markaas oo uu dhaliyay 7 gool xilli ciyaareedka dhan ee horyaalka La Liga.

Ramos ayaa haatan dhaliyay 56 gool 432 kulan oo horyaalka La Liga ah taas oo ka dhigaysa xiddiga 13-aad ee daafaca ah ee ugu goolasha badan horyaalka La Liga.

Kadib markii uu dhaliyay gool xilli ciyaareedkiisii 15-aad oo xiriir ah Rasmo ayaa sidoo kale shabaqa soo taabtay 4 xilli ciyaareed oo xiriir ah isaga oo dhaliyay 19 gool xilli uu dhaafay xiddiga Santillana kaas oo dhaliyay 17 gool.

Hadii uu Rasmo dhaliyo gool kale waxa uu la bar-barayn doonaa halyeeyada Ansola, Arza, Marcial, Pirri, Kini, Raul iyo Gento sidoo kale Ramos ayaa la mid ah Lionel Messi oo dhankiisa dhaliyay gool 15 xilli ciyaareed oo horyaalka La Liga ah.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

9 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

12 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

15 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

15 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

16 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

16 hours ago