Senator Xuseen Sheekh Maxamuud Xoghayaha Guddiga dib u eegista Dastuurka labada Aqal BFS oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in xiriirka aan wanaagsaneen ee ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada uu saameyn taban ku yeeshay howlihii dib u eegista Dastuurka.
Waxa uu tilmaamay in ay waayeen doorkii Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Xukuumadiisa ay ku lahaayeen ka qaybgalka socodsiinta dib u eegista Dastuurka dalka, dhankoodana ay dhameeyeen qabyo-tirkiisa.
Senator Xuseen waxa uu soo jeediyay in Madaxda Dowladda ay wax ka badasho caqabadda ku horgudban socodsiinta dib u eegista dastuurka dalka, maadaama uu xal u yahay Soomaaliya. Sida uu hadalka u dhigay.
Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada ee Khilaafka Siyaasadeed ka dhex jira waxa uu u jeediyay in ay kawada xaajoodaan waxyaabaha ay isku heystaan, si aan caqabad ugu noqon geedi socodka dalka.
Dhanka kale, Senator Xuseen Sheekh Maxamuud waxa uu ka hadlay xeerarka ay meel mariyeen Aqalka sare oo ay saluugsan yihiin qaar kamid ah Maamul Goboleedyada oo ay senatarada kuraastooda ku matalaan.
Dowlad Goboleedyada dhaliilsan shaqada Golaha Aqalka sare BFS waxa uu ka dalbaday in ay muujiyaan dabacsanaan siyaasadeed kuna kalsoonaad.
Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland waxa uu saameyn ku yeeshay howlihii heer federal ee ka socday deegaanada Dowlad Goboleedyadaas.
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa cadaadis xooggan ku haya Wasiirradiisa isaga oo ku cadaadinaya…
Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah dib ugu furay diiwaangelinta ururrada…
Qoyska Matiabe Onchari oo ah 38 jir kasoo jeeda Tuulada Nyamondo, deegaanka Koofurta Mugirango ee…
Qaramada Midoobay ayaa dalbatay in baaritaan madaxbannaan lagu sameeyo howlwadeenno katirsan oo ku dhintay Xabsi…
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in dowladda ay qorsheyneyso dib…
Qaramada Midoobay ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeysay Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee…