Xarakada Al-shabaab ayaa meelo kala duwan oo ka mid ah Gobollada ay ka maamulaan Soomaaliya waxaa ay ku soo bandhigeen dhoollatus Milatari maalmaha ciidda darteed.
Waxyaabaha ka cusub ayaa waxaa ka mid ah in Al-shabaab ay soo bandhigeen Dharka Ciidanka Dowladda Soomaaliya gaar ahaana dharka Guutada 14ka October oo la sameeyay Qaraxii Soobbe kaddib.
Waxaa kale oo waxyaabaha ay soo bandhigeen ka mid ah Gaadiidka dagaalka ee Ciidamada Dowladda iyo kuwo ay ka qabsadeen Ciidamada Kenya.
Dharka Guutada 14ka October,waxaa uu shakigiisa ugu badan soo baxay kaddib weerarkii Madaxtooyada horteeda ee dhacay bartamihii Bishii July ee la soo dhaafay.
Ciidanka Shabaab ee weerarkaas geystay ayaa watay dharka Guutada 14ka October,arrintaas waxaa ay shaki badan ka dhex abuurtay laamaha amaanka,waxaana xilalka laga qaaday qaar ka mid ah saraakiisha Ciidanka amaanka halka kuwo kalena la xiray.
Khubarrada dhinaca amaanka waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Al-shabaab ay dharkaas ku helaan dagaallada ay ku qaadaan Ciidamada iyo ilo kale oo ka mid ah dowladda Soomaaliya.
Diblumaasiyiinta Dalka Aljeeriya ayaa la filayaa in ay dib ugu shaqo billaabaan Safaaradda wadankaasi ee…
Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalkaasi uu ka dhammaaday cudurka Ebola,…
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay fududeynta socdaalka labada dal, xilli warar soo…
Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa dib u billaabanaya iyada oo weli ay taagan yihiin…
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo…
Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof oo Maxkamad ku taalla Mumbai ay ku…