Categories: GUDAHA/wararka

Madaxweyne cusub oo loo doortay Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Madaxweynaha cusub ee Dowlad deegaanka Somalida Itoobiya loo doortay Nin lagu magacaabo Mustafe Cagjar.

Guddiga fulinta Dowlad deegaanka oo shir maalmahanba usocday, ayaa ugu dnabeyn maanta lagu go’aamiyay in Madaxweynaha Dowlad deegaanka Itoobiya noqdo Nin qurbe joog ah oo xubin ka ahaa Ururka Dulmidiid, ururkan waxaa ku bohoobay qurbe joogta ka soo jeeda DDSI.

Axmed Cabdi Maxamed (Ilka Case) oo xilka si kumeel gaar ah uhayay iscasilaadii Cabdi Maxamuud Cumar kadib, ayaa sheegay in xilka ay udoorteen Mustafe Cagjar, wuxuuna shacabka ka dalbaday iney la shaqeeyaan.

Ninka la soo doortay, ayaa lagu xantaa inuu yahay qof aad ugu dhow dowladda Itoobiya, waloow uu yahay ruux aqoon leh, Taasoo usuura gelin karta inuu ka shaqeeyo horumarinta Deegaanka.

Cagjar oo Deegaan ahaan ka soo jeeda Magaalada Dhagax Buur, ayaa mudo la soo shaqeeyay Hay’adaha Qaramada Midoobe hoostaga oo ay kamid tahay UN-OCHA

Mustaqbal media

Recent Posts

Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah

Diblumaasiyiinta Dalka Aljeeriya ayaa la filayaa in ay dib ugu shaqo billaabaan Safaaradda wadankaasi ee…

9 hours ago

Uganda oo shaacisay in dalkaasi uusan ka jirin cudurka Ebola

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalkaasi uu ka dhammaaday cudurka Ebola,…

9 hours ago

Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay arrimaha socdaalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay fududeynta socdaalka labada dal, xilli warar soo…

11 hours ago

Wadahadalka Dowladda & Mucaaradka oo dib u billaabanaya

Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa dib u billaabanaya iyada oo weli ay taagan yihiin…

14 hours ago

Wasiir Al-Cadaala “Amniga Puntland waxaa mas’uul ka ah dowladda Soomaaliya.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo…

15 hours ago

Hindiya oo Soomaaliya ku wareejinaya Maxaabiis ku xukuman Xabsi daa’in

Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof oo Maxkamad ku taalla Mumbai ay ku…

15 hours ago