GUDAHA/wararka

Sarkaal muhiim u ahaa Putin oo qarax lagula dhex dilay Moscow

Wararka ka imaanaya Magaalada Moscow ee Caasimadda Ruushka ayaa kusoo warramaya in maanta qarax lagu dilay Madaxii tababarrada Ciidamada Dalkaas oo lagu magacaabo Sarreeye Guuto Fanil Sarvarov oo la shegay in qaraxaas loogu xiray Gaarigiisa.

Guddiga dambi baarista Ruushka ayaa sheegay in sarkaalkaan uu ku dhintay isla goobta maadaama burbur xooggan uu gaaray Jirkiisa iyo gaarigiisa sida ka muuqata sawirro lagu soo bandhigay Baraha Bulshada.

Ninkaan waxa uu ahaa Madaxa tababarrada ciidamada Ruushka, sidoo kale waxa uu si dadban u hayay shaqada ah Madaxa howlgelinta ciidanka, waxa uu la shaqaynayay Guddi si gaar ah Madaxweyne Vladimir Putin uu ugu xilsaaray arrimaha ciidamada.

Ruushka ayaa durba dusha ka saaray Dalka colaadda kala dhaxaysa ee Ukraine, waxa ay Moscow ku eedeysay dhiggeeda dagaalka kala dhaxeeyo ee Kyiv in ay sirdoonkooda ka dambeeyaan qaraxaas lagu xiray Gaariga Sarkaalkaan.

Ukraine weli kama hadlin eeddaas loo jeediyay iyo sarkaalkaan muhiimka u ahaa Xukuumadda Madaxweynaha Ruushka ee Vladimir Putin, waxaana marar kala duwan Ukraine ay weerarro kala duwan ka dhex fulisay gudaha Ruushka.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…

25 mins ago

Madaxweynaha Nigeria oo Mushaarka u kordhiyay Askarta dalkaasi

Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…

40 mins ago

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

3 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

14 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

16 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

20 hours ago