Sarkaal ka mid ahaa Booliska Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa xalay lagu dilay Marxuum C/rashiid Xasan Xaashi (Gabi gabi) oo kamid ahaa saraakiishii hore ee gobolka Mudug ee Puntland.

Dilka sarkaalkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Israac ee Magaalada Gaalkacyo, waxaana dilay dabley aan la garan waxa ay ahaayeen oo ay saraakiisha Puntland sheegeen in ay qarsadeen Madaxa.

Waqtigii la dilayay C/Rashiid Xasan Xaashi waxa uu kasoo baxay salaadii Cishe sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha ayaa horay u soo noqday Taliye ku xigeenkii Ciidanka Birmadka ee Gobolka Mudug, kuwaa oo gaarayay 150 Askari.

Dablaydii dilka u gaystay Sarkaalkan ayaa isaga baxsay goobta sida maamulka ay sheegeen, waxaana halka lagu dilay Taliye ku xigeenkii Ciidamada Birmadka Gobolka Mudug howlgal ka sameeyay Ciidamada isku dhafka ah ee lagu wareejiyay Ammaanka Gaalkacyo.

Taliye Gabi gabi ayaa ku biiraya saraakiil ciidan oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo, maamulka Gobolka Mudug waxa ay sheegaan in ay ka go’an tahay sugidda ammaanka iyo in Gobolka ay ka dhigaan Goob Xasiloon

Mustaqbal media

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

10 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

10 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

10 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

12 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

13 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

14 hours ago