Saraakiisha Burundi ee AMISOM oo ka hadlay saameynta kunka Askari ee laga saarayo Soomaaliya.

Waxa socdo kulamo aan dhammaad lahayn oo looga tashanayo bixitaanka Ciidankaas iyo in aan saameyn ugu reebin howlgalka Midowga Afrika ee Hir-Shabeelle ka socda.

Sarkaal katirsan Ciidamada Burundi ee ku sugan Gobolka Shabeelle Dhexe oo ay ku leeyihiin Saldhigooda ugu weyn ayaa isweydiiyay sida uu Xaalka sii ahaan doono kadib 28-ka bishaan.

“Marka hore ma sheegi karo waqtiga ugu horeeyo ee uu soo idlaan karo howlgalkeena, cidna ma sheegi karto sida ay noqon doono xaaladda amaan ee Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Shabeelaha Dhexe, sidoo kale ma ogin waxa ay sameyn doono Dowladda Soomaaliya, waxyaabihii aan u sameyn jirnay bulshada ma sheegi karo in ay sii helayaan bixitaankeena kadib, waxa aan ogahay in hadda oo aan dalka joogno in dadka ay ku nool yihiin Xaalad Liidato”.

Waa uu sii hadlay waxa uu Maamulka Hir-Shabeelle iyo Saraakiisha kale ee Burundi ka dalbaday in ay dhexda u xirtaan ka gun-gaarista howlgalka AMISOM sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamadeena waxa ay sameeyeen dadaalo dheeraad ah oo xagga ammaanka ah, balse waxaa jira weeraro la filan karo in ay sii kordhaan gaar ahaan sida hadda loo weeraro Ciidaadeena iyo gawaarideena marka aan ku socdaaleyno wadada isku xirta Jowhar iyo Garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi oo aan ku leenahay Taliska AMISOM ee Gobolka Shabeelaha Dhexe”.

Ciidamada Burundi ayaa Saldhigyo ku leh Degmooyin katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxa ay la howlgalaan Ciidamada Dowladda ee Halkaa ku sugan.

Si gaar ah waxa ay gacanta ugu hayaan sugidda Ammaanka Xarumaha Muhiimka ah ee Maamulka Hir-Shabeelle.

1,000 ka mid ah Ciidamada Burundi ayaa lagu wadaa in 28ka Bishan laga saaro Soomaaliya,gaar ahaanna Hirshabeelle,taas oo walaac dhinaca amaanka ah ku abuurtay Mas’uuliyiinta Hirshabeelle.

Mustaqbal media

Recent Posts

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

2 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

5 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

5 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

5 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

7 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

9 hours ago