GUDAHA/wararka

Saraakiil ka tirsan Turkiga oo tagey Baydhabo iyo MD Laftagareen oo la kulmay

Saraakiil sare oo ka socda Talista Kulliyada Turksom oo uu hoggaaminayo Sarreeye Gaas Sebahattin ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda Kumeel gaarka ah ee Dowlad goboleedka Koofur Galbeed.

Saraakiisha ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxda sare ee Maamulka oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Amniga, Tababarrada iyo tayeynta Ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed.

Kulanka sido kale waxaa diiradda lagu saaray doorka Turkiga ee taageerada dib-u-dhiska Ciidanka Qaranka kor u qaadista xirfadaha Ciidanka iyo wada-shaqeyn dhow oo lagu xaqiijinayo Amniga iyo xasilloonida guud ee Dalka.

Madaxweyne Laftagareen ayaa tilmaamay in Dowladda Turkiga garab istaagga joogtada ah u muujisay Soomaaliya, isagoo xusay in ay ka shaqeynayaan sidii loo kordhin lahaa wadashaqeynta.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

10 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

14 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

15 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

16 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

16 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

16 hours ago