GUDAHA/wararka

Safwaan Halac oo ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay magaalada Hargaysa

Fannaanka Da’da yar ee Safwaan Xasan Aadan oo ku magac dheeraa (Safwaan Halac) ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay Magaalada Hargaysa sida ay xaqiijiyeen xubno katirsan qoyskiisa iyo qaar kamid ah fannaaniinta ay asaxaabta ahaayeen marxuumka.

Safwaan Halac oo qurbaha ka yimid ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Hargaysa, waxaa maydkiisa la dhigay Isbitaalka Magaaladaas, mas’uuliyiin kala duwan oo katirsan Maamulka Somaliland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Fannaankaan.

Waxaa dhaawac lasoo gaaray qaar kamid ah dhallinyaro la socotay oo lagu daweynayo Isbitaalka Magaalada Hargaysa, Gaariga waxaa la xaqiijiyay in uu gacantiisa ku watay Marxuum Safwaan Halac sida uu sheegay walaalkiis.

Saddexdii bil lasoo dhaafay ayuu joogay deegaannada Somaliland isaga oo ku noolaa ama degenaa Dalka Jarmalka, waxa uu kamid ahaa tiro fannaaniin da’yar ah oo soo caanbaxay sanadihii lasoo dhaafay.

Deegaannada Somaliland waxaa ku batay shilalka Gawaarida ee galaafta nolosha Dad badan oo qaarkood dalxiis u tagay Maamulkaas, sababta ayaa lagu sheegaa wadayaasha oo xawaare sare ku wada iyo waddooyinka oo meelaha qaar burbursan.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

9 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

12 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

14 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

15 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

16 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

16 hours ago