Shir jaraa’id oo ay magaalada Muqdisho ku qabteen Xubnaha Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ayaa waxaa ay kaga hadleen Xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka.
War-saxaafadeed ay soo saareen Xubnaha Mucaaradka oo Warbaahinta uu akhriyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin Doorashada Dowladda Federaalka ka wado gobolka Banaadir.
“Waxaan ka digeyna Doorashada dowladda qorsheynayso in ay ka qabato gobolka Banaadir, iyadoo aan heshiis lagu aheyn hannaanka iyo guddiga Doorashada” ayaa lagu yiri Bayaanka.
Dhinca kale, Madasha Samatabixinta ayaa ku baaqay in degdeg ah loo qabto Doorashada Madaxda dowlad goboleedyada ee muddo xileedkooda dhammaaday.
“Waa in Madaxda dowlad goboleedyada waqtigooda dhammaaday waa in ay si degdeg ah ku qabtaan Doorasho lagu wada qanacsan yahay” ayay yiraahdeen Madasha Mucaaradka
Hadalka Xubnaha Mucaaradka ayaa ku soo aadaya xilli garab kamid ah Mucaaradka ay la heshiiyeen Dowladda Federaalka.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…