Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa aroornimadii hore ee maanta dil toogasho ah ku fulisay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo sidoo kale loo garanayay (Maaxi & Yoonis) iyo Ibraahim Aadan Maadeey oo horay dil ugu xukuntay.
Cabdiraxmaan iyo Ibraahim ayaa lagu eedeeyay in ay dilal ka gaysteen Magaalada Muqdisho iyada oo Maxkamadda ay horay u dhagaysatay dacwadda ka dhanka ah ee Xafiiska Xeer Ilaalintu soo gudbisay iyo doodda qareennadii ka difaacayay eedahaas.
Guddoonka sare Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo goobjoog ka ahaa xukunkaan markii la fulinayay waxa ay sheegeen in xukunkaan uu yahay qisaasta Dadkii ay horay u dileen Cabdiraxmaan Maxamed iyo Ibraahim Aadan sida ay hadalka u dhigeen.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhisay fulinta xukunnada toogashada ah iyada oo ay weli xiran yihiin Rag qaarkood horay loo xukumay iyo kuwo kale oo xukun sugayaal ah.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…