Saraakiil Militari oo ka socota Dowladda Masar ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay saraakiisha ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyaga oo kala hadlay goobaha la dajinayo ciidankooda.
Wafdiga Masar ayaa Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya u sheegay in dufcada ugu horreysa lasoo dejinayo dhowaan iyada oo la geyn doonno goobaha loo asteeyay in ay ka howlgalaan ciidamada Masaarida.
Kooxda saraakiisha ah ee Masar ka socotay waxaa hoggaaminayay Janaraal Islaam Radwaan waxaana soo dhaweeyay saraakiil sare oo Howlgalka AUSSOM iyo Dowladda Federaalka katirsan iyaga oo daqiiqado wada hadlayay.
Ciidamada Masar ayaa qayb ka noqonaya howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM oo taageerrada ka haysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxa ay buuxin doonnaan booska Ciidanka Burundi oo Dowladdooda ku dhawaaqday in ay la baxayso ciidankaas.
Ku dhowaad 1,100 Askari oo Masaari ah ayaa loo daabulayaa Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle halkaas oo ah qaybta Ciidanka Burundi maamulaan kana baxayaan sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan AUSSOM.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…