Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya, Axmed Bin Maxammed Al-Muwalad.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay Iskaashiga dhinaca Amniga, Dhaqaalaha iyo Maalgashiga, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
“Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Boqortooyada Sacuudiga taageeradeeda joogta ah ee ay siiso shacabka Soomaaliyeed iyo garab istaagga midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu xusay Qoraalka.
Dhankiisa, Safiirka Sacuudiga ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin Midnimada iyo Madaxbannaanida Sooomaaliya, isla markaasna ay sii kordhin doonaan iskaashiga sugida Amniga iyo dardar galinta Mashaariicda horumarineed.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa kamid ah dowladaha saaxiibka dhow la ah Soomaaliya, iyagoo ka taageera dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Maalgashiga.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool kula la wareegtay 220 Askari oo…
Ciidamada Militeriga Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka wada…
Shirkadaha Korontada ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in ay kordhiyeen qiimaha ay ku dhuftaan…
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo furay kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas ayaa…