GUDAHA/wararka

IGAD oo war ka soo saartay faragalinta Israa’iil ku heyso arrimaha Soomaaliya

Urur Goboleedka IGAD ayaa si kulul uga hadlay Safaaradda Maamulka Waqooyi Galbeed sheegay in ay ka furteen magaalada Qudus ee la heysto, iyagoo tillaabadaasi ku tilmaamtay mid dhaawaceysa Midnimada dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Ururka ayaa lagu sheegay inuu cadyahay Mowqifkooda ku aadan Madaxbanananida Soomaaliya, iyagoo tilmaamay in la ixtiraamo Sharciga caalamiga ah.

“IGAD waxay la socotaa wararka sheegaya in Safaarad Somaliland ka furatay Magaalada Qudus, waxaan mar kale ku celineyna in la ixtiraamo midnimada iyo bedqabka dhuleed ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Ururka Goboleedka IGAD.

Sidoo kale, Ururka ayaa tilmaamay in tillaabooyinkan ka dhanka ah Midnimada Soomaaliya ay dhalin karaan xasilooni darro gobolka, isla markaasna laga feejignaado.

Go’aanka Urur Goboleedka IGAD ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan ay Dowladda Federaalka ay Ururada Caalamiga ah iyo kuwa gobolka ugu baaqday in ay ka hor yimaadaan faragalinta ay Israa’iil ku heyso arrimaha Soomaaliya.

Ururo iyo Dowlado caalami ah ayaa garab istaag u muujiyay Dowladda Soomaaliya, iyagoo ku baaqay in la la ixtiraamo Midnimada Soomaaliya.

Mustaqbal

 

 

MM Staff

Recent Posts

Maxay ka dhigan tahay in dib loo doorto Cali Guudlaawe oo weli wajahaya diidmada Shacabka Hiiraan?

Dib u doorashada Cali Guudlaawe Xuseen ee hoggaamiyaha maamulka Hirshabeelle ayaa dhalinaysa su’aalo ku saabsan…

6 hours ago

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay safiirrada UK iyo Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay safiirrada…

9 hours ago

89 Xildhibaan oo ka horyimid mooshinka xilka looga qaadayo Wasiirka Caafimaadka XFS

Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod kalsoonida loogu qaaday Wasiirka…

11 hours ago

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday kaniisad ku taalla Urdun

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cambaaraysay weerar lagu qaaday Kaniisad ku taalla Gobolka Karak ee Dalka…

14 hours ago

Xildhibaan Kenyaan ah oo loo xiray teleefanno lagu xaday Nairobi

Booliiska Kenya ayaa xiray Xildhibaan Cyrus Kisavi Musyoka oo kamid ah Golaha Deegaanka Kyatune oo…

15 hours ago

Aliko Dangote “Waxaan doorbidayaa in aan Xabsi galo intii la iga qaadan lahaa Teleefankayga”

Bilyaneerka reer Nigeria, Aliko Dangote ayaa sheegay in sida uu muhiimka ugu yahay Teleefankiisa gacanta…

15 hours ago