Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta u safray Dalka Morocco ee Waqooyiga Qaaradda Afrika kaddib markii uu martiqaad ka helay Boqorka Dalkaas.
Xamsa Cabdi Barre ayaa kamid ah madax ka kala socota 120 Dal oo ka qaybgalaya shirka looga hadlayo isbaddelka Xawliga ku socda ee Siyaasadda Caalamka, Mustaqbalka Amniga, Dhaqaalaha iyo is dhexgalka Dalalka Adduunka.
Waxa uu kulamo la qaadan doonnaa madaxda kala duwan ee shirka 17aad ee MEdays ka qaybgalaysa, sidoo kale waxa uu qaabili doonnaa Madaxda Morocco iyada oo lagu wado in uu khudbad uu uga hadlayo Soomaaliya uu ka jeedin doonna.
Martida ka qaybgalaysa ayaa ka kala imaanaysa Dalal dhaca Qaaradaha Afrika, Aasiya, Laatiin Ameerica & Dalal kale oo jasiiro ku jira kuwaas oo danaynaya arrimaha muhiimka ah ee caalamka la xiriira ee shirkaan looga hadlo.
Mustaqbal
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…