GUDAHA/wararka

RW Xamsa oo lagu soo dhaweeyay Ballanbale

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Ballanbale ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud halkaas uu uga qaybgalayo gogol lagu soo xirayo dib u heshiisiin loo sameeyay beelo maleeshiyaad kasoo jeeda ay horay u dagaalameen.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, Mahad Maxamed Salaad ayaa qayb ka ahaa xubnaha soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ballanbale waxaa muddooyinkii dambe ka socday wadahadallo dhexmaray Odoyaasha dhaqanka ee Beelaha Maleeshiyaadkooda horay u dagaalamay si nabad loo qaato loona dhaqangeliyo qodobadii ay ku heshiiyeen.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa lagu wadaa in kulanka kaddib uu kormeero qaybo kamid ah Gobolka Galgaduud sida xarumo lagu tababarayo ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya diyaarinayso iyo goobo kale.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Kenya oo xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay Ebola in dalkeeda laga helay

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyay ee Cudurka Ebola laga helay dalkaas, iyada…

2 hours ago

Danjire Ferhat Alkan oo booqday xarunta Turkiga ee ka dirayo Dayax-gacmeed ee Soomaaliya 

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Ferhat Alkan iyo saraakiil la socotay ayaa kormeeray xarunta laga diri…

4 hours ago

Prof Axmed Ismaaciil “Cirro waxa uu Maraykanka dib ugala noqday Niyad-jab & Guuldarro Siyaasadeed”

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo muddooyinkii ku sugnaa Magaalada Hargaysa ayaa markii uu dib ugu…

4 hours ago

NISA oo xoogga saartay talisyada ay ka samaysanayso Gobolka Galgaduud 

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa kordhisay Talisyada ay ka howlgallayaan Ciidanka…

4 hours ago

MW Erdogan “Waxaan billownay dhismaha xarunta laga diri doono dayax-gacmeedka ee aan ka hirgelin doonno Soomaaliya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Dowladdiisu ay billowday dhismaha Xarunta laga…

6 hours ago

Maraykanka oo muwaadiniintiisa uga digay in ay u safraan Sacuudi Carabiya

War kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Riyadh ayaa Muwaadiniinta Ameerikaanka ah looga digay in ay…

7 hours ago