Baarlamaanka Itoobiya ayaa maanta mar kale u magacaabay Abiy Ahmed Ra’iisul Wasaaraha dalka, kaddib markii xisbigiisa Prosperity Party uu guul ka gaaray doorashadii baarlamaanka ee bishii Juun.
Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Shacabka, Ahmed Shide, ayaa ku dhawaaqay magacaabista Abiy Ahmed, iyadoo uu Ra’iisul Wasaaruhu sidoo kale dhaariyay xilka.
Tallaabadan ayaa si rasmi ah u dhammaystiraysa dhismaha dowladda cusub ee federaalka Itoobiya.
Xisbiga Prosperity Party ayaa doorashadii 2026 ku guuleystay 438 kursi oo ka mid ah 486 kursi oo natiijooyinkooda la shaaciyay, taasoo siisay aqlabiyad ballaaran oo baarlamaanka ah.
Doorashada ayaa ka dhacday qaybo ka mid ah dalka, iyadoo codbixintu aysan ka dhicin dhammaan deegaannada, gaar ahaan Tigray iyo qaybo ka mid ah Amhara iyo Oromia.
Abiy Ahmed ayaa xilka Ra’iisul Wasaaraha hayay tan iyo 2018, waxaana magacaabistiisa cusub ay u oggolaanaysaa inuu hoggaamiyo dowladda federaalka muddada cusub ee baarlamaanka.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Ballanbale ee Waqooyiga Gobolka…
Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa jawaab ka bixisay qodobadii xalay kasoo baxay shirkii afar geesoodka ahaa…
Dowladda Masar ayaa sheegtay in Ciidankeeda qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ay…
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa barqonimadii maanta u safray Magaalada Ballanbale ee Gobolka…
Maraykanka ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah oo la xiriirta in uu dalka Ingiriiska kala…
Waxaa soo idlaaday kulankii labaad ee Xulalka Ireland iyo Israel isaga hor imaanayeen koobka Qaramada…