GUDAHA/wararka

Masar oo Soomaaliya usoo daabulaysa ciidankeeda qaybta ka noqonaya howlgalka AUSSOM

Dowladda Masar ayaa sheegtay in Ciidankeeda qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ay dhowaan usoo daabulayso Soomaaliya si ay kaalintooda uga qaataan waajibaadka ciidankaas saaran sida ay ku warrameen saraakiil katirsan Qaahira.

Masar ayaa kamid ah Dalalka loo ogolaaday in ay qayb ka noqdaan howlgalka AUSSOM ee lagu baddelay ATMIS 19kii December sannadkii 2024, waxa ay gashay diyaarinta ciidankaas iyada oo 25ka April 2025 xoogga saartay inay Soomaaliya usoo dirto saraakiil qiimaysa.

Inkasta oo aan Masar tan iyo xiligaas Soomaaliya usoo dirin Ciidankeeda waxaa hadda socda qorshe si degdeg ah ay usoo daabulayso ciidankaas iyada oo indhaha lagu hayo xiisadda ka taagan Geeska Afrika gaar ahaan tan kala dhaxaysa Itoobiya.

Masar iyo Itoobiya ayaa labada kamid ah howlgalka AUSSOM, si dhab ah looma shaacin meelaha la gaynayo Ciidamada Masaarida, waxaana Magaalada Muqdisho ku sugan saraakiil ka socota Xukuumadda Qaahira oo xaaladdaan qiimayna.

Soomaaliya oo saaxiib la ah Itoobiya ayaa dhanka kale cilaaqaad wanaagsan kala dhaxeeya Masar oo ay kula jirto heshiis dhinaca Amniga ah, labadaan Dowlad ee murankoodu dheeraaday ayay hal howlgal ku kulmin doontaa.

Xukuumadda Qaahira ayaa horay usoo bandhigtay ciidanka ay usoo dirayso Soomaaliya kuwaas oo qalab xooggan sida Gaadiidka ay adeegsanayaan wata, waxaana Muqdisho kol hore la keenay qalabkooda inkasta oo aan la ogayn inta uu la egyahay.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Kenya oo xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay Ebola in dalkeeda laga helay

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyay ee Cudurka Ebola laga helay dalkaas, iyada…

2 hours ago

Danjire Ferhat Alkan oo booqday xarunta Turkiga ee ka dirayo Dayax-gacmeed ee Soomaaliya 

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Ferhat Alkan iyo saraakiil la socotay ayaa kormeeray xarunta laga diri…

4 hours ago

Prof Axmed Ismaaciil “Cirro waxa uu Maraykanka dib ugala noqday Niyad-jab & Guuldarro Siyaasadeed”

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo muddooyinkii ku sugnaa Magaalada Hargaysa ayaa markii uu dib ugu…

4 hours ago

NISA oo xoogga saartay talisyada ay ka samaysanayso Gobolka Galgaduud 

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa kordhisay Talisyada ay ka howlgallayaan Ciidanka…

4 hours ago

MW Erdogan “Waxaan billownay dhismaha xarunta laga diri doono dayax-gacmeedka ee aan ka hirgelin doonno Soomaaliya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Dowladdiisu ay billowday dhismaha Xarunta laga…

6 hours ago

Maraykanka oo muwaadiniintiisa uga digay in ay u safraan Sacuudi Carabiya

War kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Riyadh ayaa Muwaadiniinta Ameerikaanka ah looga digay in ay…

7 hours ago