Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa kordhisay Talisyada ay ka howlgallayaan Ciidanka hay’addaas ee ku yaalla Gobolka Galgaduud ee Dowlad-Goboleedka Galmudug si ay xoogga u saaraan adkaynta Amniga.
NISA ayaa tababartay ciidamo cusub halka xeryo ku yaalla Degmooyin katirsan Gobolka Galgaduud ay ku xaraysan yihiin Askar tababar ku qaadanaysa oo marka uu usoo idlaado lagu kala biirinayo Saldhigyada Hay’addaas.
Agaasimaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad ayaa kormeeray qaar kamid ah xeryahaas, waxaana uu la kulmay Saraakiisha Ciidanka Sirdoonka Soomaaliya isaga oo ka xog-warraystay xaaladda ciidankaas iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin.
Tani waxa ay qayb ka tahay xoojinta Dhismaha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya si ay ula wareegaan mas’uuliyadda Amniga Dalka maadaama Midowga Afrika uu dhowaan sheegay in Dowladda Federaalka uu ku wareejinayo Amniga Soomaaliya.
Mustaqbal
Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyay ee Cudurka Ebola laga helay dalkaas, iyada…
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Ferhat Alkan iyo saraakiil la socotay ayaa kormeeray xarunta laga diri…
Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo muddooyinkii ku sugnaa Magaalada Hargaysa ayaa markii uu dib ugu…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Dowladdiisu ay billowday dhismaha Xarunta laga…
War kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Riyadh ayaa Muwaadiniinta Ameerikaanka ah looga digay in ay…
Dalalka xuduud wadaagga ah ee Yemen iyo Sacuudi Carabiya ayaa wajahaya xaalad nabadgalyo la’aan kaddib…