Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo muddooyinkii ku sugnaa Magaalada Hargaysa ayaa markii uu dib ugu laabtay Maraykanka waxa uu ka hadlay waxyaabaha uu kusoo arkay xaaladda Waqooyi Galbeed iyo aqoonsiga uu raadinayo Maamulkaas.
Axmed Ismaaciil ayaa sheegay in Gobollada Waqooyi Galbeed ay sii kala tagayaan sababo la xiriira faqri, Qabyaalad iyo Maamul xumo ka jirta, waxa uu tusaale usoo qaatay Gobolka Awdal oo Dadkiisu cabanaya aanay waxba laga qaban.
“Dadkii abuuray Somaliland ee Awdal ku nool way cabanayaan weliba way sii gun dheeraatay, Hoggaankii arrintaasi xalin lahaa waa daciifay. Faqriga, Qabyaaladda & Karti darrada waa saddexda dhibaato ee caqabadda ku ah horumarka Somaliland,” Sidaasi waxaa yiri Prof Axmed Ismaaciil Samatar
Waxa uu dhaliilay siyaasadda Hoggaamiye Cirro uu la tagay Dalka Maraykanka weliba iyada oo Dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay ku shirayeen Magaalada New York, waxaana uu tayo beel ku tilmaamay ergada ka badnayd 20 qof iyo go’aanka Maraykanka uu ku sheegay in uu garab taagan yahay midnimada Soomaaliya.
“In la yimaado Maraykanka kama dhigna in uu guul ku gaaray Cirro, intii aan aragnay waa niyad-jab maadaama Maraykanku uu caddeeyay in uu taageersan yahay Wadajirka Soomaaliya,” Ayuu yiri Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka hadlay safarkii Maamulka Cirro ee Maraykanka.
In ka badan 30 sano ayuu Prof Axmed Ismaaciil sheegay in doodda Maamulka Waqooyi Galbeed uu ku raadinayo Aqoonsiga maadaama Dowladdii uu ka cabanayay ee dhibaatadu ka tirsanayeen ay meesha ka baxday balse mas’uuliyiintu ay dhegaha ka furaysteen.
Waxa uu intaas ku daray in aqoonsiga uu Dibadda ka raadinayo Maamulka Waqooyi Galbeed aanay halkaas ka jirin laakiin uu yahay mid ku xiran Dowladda Federaalka oo la aqoonsan yahay lana tacaamusho dunida inteeda kale sida uu hadalka u dhigay Prof Axmed Ismaaciil Samatar
“Somaliland qadiyaddeeda si cilmiyaysan meel looma dhigin, reer Somaliland waa in caalamka u keennaan wax ka weyn Maxamed Siyaad Barre ayaa dhib noo gaystay. Udubka hortaagan Somaliland in la aqoonsado waa Dowladda Federaalka Soomaaliya, waana xeendaab aysan ka gudbi Karin,” waxaa sida uu yiri Prof Axmed Ismaaciil Samatar
Aqoonsiga uu Cabdiraxmaan Cirro ka raadiyay Israa’iil ayuu ku sheegay ceeb dunida oo dhan ka fogaatay oo loo bareeray in hoosta laga galo, waxa uu dambi weyn ku tilmaamay in Xafiis laga furto Magaalada Qudus iyada oo Dalalkii la safnaa Israa’iil ay Safaarado ka furteen Tel Aviv sida uu yiri
“Aqoonsigii Somaliland ay ka raadsatay Israa’iil waxa aan fahamsanayn waxa ku kalifay & Dadka waxaas ka shaqeeyay cidda ay yihiin waayo waa in aad is dhinac dhigto waxa kaa soo galaya iyo waxa kaa baxaya, Xukuumadda Netanyahu waxa ay noqotay mid adduunyadu nacday oo ka kala carartay, waxaana kasii daran in Xafiiskeenna la dhaho waxaa laga dhigayaa Qudus, Ceeb weyn weeye arrintaas.” Ayuu yiri Prof Axmed Ismaaciil Samatar
Dalalka Islaamka ayuu sheegay in ay cadaawad ka qaadeen isku xirka Waqooyi Galbeed iyo Israa’iil iyada oo aanay jirin faa’iido la taaban karo oo ku dhowaad sannad uu haysto Maamulka Cirro in uu ka helay siyaasadda ku xiranka Israa’iil iyo Taiwan sida uu hadalka u dhigay.
Gudaha deegaannada Maamulka Waqooyi Galbeed ayuu shaaciyay in ay ka jirto qabyaalad Bulshada ku dhex faaftay, waxa uu intaas ku daray in xitaa xafiisyada iyo maqaaxiyada ay ka jirto taasina ay dib u dhigtay howlihii lagu horumarin lahaa Dadka.
“Somaliland Qabyaalad ayaa sidii kansarka lafaha uga gashay, Xafiis, Maqaaxi iyo meel weliba oo aad tagtid waxa laga sheegayo waa qabyaaladdaas.” Sidaasi waxaa yiri Prof Axmed Ismaaciil Samatar
Prof Axmed waxa uu kamid yahay Aqoonyahannada muddo u xusul-duubaysay in aqoonsi loo raadiyo Maamulka Waqooyi Galbeed waxaana ugu dambayn uu rajo beel ka dhigay dedaalkii uu gelinayay tan iyo burburkii Dowladdii dhexe ee Dalka sida ka muuqata Waraysiga uu bixiyay uuna uga hadlay xaaladda dhabta ah ee hadda uu ku jiro maamulkaas.
Mustaqbal
Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyay ee Cudurka Ebola laga helay dalkaas, iyada…
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Ferhat Alkan iyo saraakiil la socotay ayaa kormeeray xarunta laga diri…
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa kordhisay Talisyada ay ka howlgallayaan Ciidanka…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Dowladdiisu ay billowday dhismaha Xarunta laga…
War kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Riyadh ayaa Muwaadiniinta Ameerikaanka ah looga digay in ay…
Dalalka xuduud wadaagga ah ee Yemen iyo Sacuudi Carabiya ayaa wajahaya xaalad nabadgalyo la’aan kaddib…