GUDAHA/wararka

RW Xamsa oo daahfuray Imtixaanka Dugsiga sare oo sanadkaan ay galayaan 44,136 Arday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Imtixaanka Dugsiga Sare (Fasalka 12aad) oo sannadkaan ay galayaan Arday gaaraysa 44,136 sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada XFS.

Ardaydaan Waxa ay ku galayaan Imtixaanka Qaran 58 Degmo oo Muqdisho iyo Gobollada Dalka ah, waxaana loo diyaariyay 158 Xarumood oo la geeyay Macallimiin, howlwadeenno u diiwaangashay Wasaaradda Waxbarashada iyo Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Ardayda u rajeeyay in ay guul ka gaaraan Imtixaanka maanta u billowday, waxaana uu xusay in dedaalka iskaashiga ku dhisan ee Ardayda, Macallimiinta iyo Dowladda lagu gaari karo mustaqbal wanaagsan.

Xamsa ayaa sheegay in Madaxda Dugsiyada Waxbarashada ay ku amaanayaan doorka wanaagsan ee aqoon kordhinta Ardayda Soomaaliyeed, waxa uu ugu baaqay in ay sii wadaan kaalintooda muhiimka u ah Mustaqbalka Ubadka sida uu hadalka u dhigay.

“Diinteennu waxa ay qiimo wayn u yaahay Cilmiga, Aqoontu waa saldhigga Horumarka, Waxa aan bogaadinayaa Wasaaradda Waxbarashada oo joogtaysay qaadista Imtixaankaan Qaran oo mudnaan sare siisay, sidoo kale waxaa amaan mudan Hay’adaha ammaanka” Sidaasi waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamsa Cabdi Barre.

Imtixaanka Fasalka 12aad waxa uu soconayaa muddo 6 cisho ah, waxaana uu soo idlaan doonnaa Khamiista oo ku beegan 25ka June, waxa ay Ardaydu sugayaan natiijada ay shaacin doonto Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Soomaaliya.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh oo safar ku maraya deegaanno ka tirsan Galmudug ayaa gaarey magaalada Cadaado

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaarey magaalada Cadaado ee…

14 hours ago

Cristiano Ronaldo oo shaaciyay inuu isaga fadhiisanayo Ciyaaraha Koobka Adduunka

Cristiano Ronaldo oo shaaciyay inuu Qorsheynayo inuu Ciyaaraha ka Fariisto sanadka soo socda, isagoo taariikh…

17 hours ago

MW Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Militeriga Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka…

18 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tababar usoo xiraya Ciidan lagu tababaray Galmudug

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in uu tababar usoo…

22 hours ago

Kenya oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada Xadka ay la wadaagto Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa kordhisay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee deegaannada dhaca dhinaca Xadka Soomaaliya…

23 hours ago

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo ku wajahan Laascaanood

Wafdi ka socda ayaa ku wajahan magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari si ay…

24 hours ago