GUDAHA/wararka

RW Xamsa & Mas’uuliyiin kale oo ka qaybgalay tartan orod fudud ah oo Muqdisho lagu qabtay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Barre, Wasiirro katirsan Xukuumadda ayaa ka qaybgalay tartan orod fudud ah oo kasoo billaabanayay Isogyska KM4 kuna dhammaanayay Taallada Daljirka Daahsoon.

Wasiirrada ka qaybgalay waxaa kamid ah Wasiirka batroolka & Macdanta, Daahir Shire Maxamed, Wasiirka Beeraha, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS, Maxamed Cabdulqaadir Cali, waxaana wehliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Janaraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

 

Tartankaan ayaa loogu magac daray xiritaanka tartanka orodka Toddobaadka Ciyaaraha Nabadda iyo Horumarka Muqdisho, waxaa kale oo ka qaybgalay dhallinyaro orodyahanno ah oo lagu abaalmariyay kaalmaha ugu horreeya.

Mas’uuliyiin katirsan xiriirka Ciyaaraha Soomaaliya oo uu guddoominayay Guddoomiye Cali Shiine, kuwa qaabilsan ciyaaraha fudud ayaa qayb ka ahaa kuwaas oo Wasaaradda Dhallinyarada & Cayaaraha XFS la qabanqaabiyay Munaasabaddaan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maamulka Galmudug oo qaadacay eedeyn uga timid maamul goboleedka Puntland

Maamulka Galmudug ayaa ka falceliyay eedeyn uga timid Puntland kaddib markii Xukuumadda Siciid Deni ay…

4 hours ago

Golaha Mustaqbalka oo dalbaday in Ciidanka AUSSOM ay dalka sii joogaan

War kasoo baxay Golaha Mustaqbalka ayaa fariin codsi ah loogu diray Dalalka ku deeqay Ciidamada…

4 hours ago

Guinea Bissau oo beenisay in ay aqoonsanayso Maamulka Waqooyi Galbeed

Dalka Guinea-Bissau ayaa beeniyay wararka la xiriira in uu aqoonsanayo maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya,…

4 hours ago

Ciidanka Danab oo howlgal ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay Shabeelaha Hoose

Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab ayaa Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ka sameeyay howlgallo…

5 hours ago

Ciidamada DFS ma awoodaan in ay la wareegaan mas’uuliyadda Amniga Dalka?

Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Muqdisho oo la hadlay Mustaqbal Media ayaa sheegay in Ciidamada…

6 hours ago

Madaxweynaha Suuriya “Kama tanaasuli doonno Dhulka ay Israa’iil naga haysato tan & 1973”

Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharca oo bixiyay waraysi uu uga hadlay iskaashiga dhinaca Amniga ah ay…

6 hours ago