GUDAHA/wararka

RW Rooble: Hala garabsiiyo Walaalaha aan awoodin in ay helaan Afurka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa Dadka hantida heysta ugu baaqay in ay garab istaagaan qoysaska la hardamaya duruufaha ee aan awoodin in ay helaan afurka inta lagu guda-jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo maanta ah maalintii 1aad.

Rooble ayaa sheegay in abaarta iyo dhibaatooyinka kale ay sababeen dhaqaale la’aan soo wajahday malaayiin ruux oo Dalka ku nool kuwaas oo aanay heysan Biyo, Raashin iyo adeegyada Caafimaadka.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka ayaa Dadka hantida heysta ka dalbaday in kaalintooda ay ka qaataan sidii loo gacansiin lahaa si ay uga faaiideystaan fadliga Bisha Ramadaan ay leedahay.

“Waxaa jira Dad Danyar ah oo walaalaheen ah oo ay dhib ku tahay in ay helaan nolol maal-meedkooda, sidaas darteed waxa aan Shacabka Soomaaliyeed meel weliba oo aaad joogtaan idinka codsanayaa in aad isku naxariisataan oo aad gacansiisaan oo si gaar ah loo taakuleeyo Dadka Masaakiinta ah ee taakta daran, saboolka ah, agoonta ah, Barakacayaasha iyo dadka abaartu saameysay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegtay in ay ka shaqeyneyso gurmad u raadinta Dadka saameynta taban ku reebtay abaarta Dalka ku dhufatay, waxa ay u xilsaartay guddi ka shaqeeya howshaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dhibaatooyinka heysta malaayiin ruux oo Soomaali ah ay tahay in ay isugu xigsadeen Saameynta Covid-19, Ayaxa iyo Abaarta sababtay in xooluhu tarab-tarab haraad iyo naq la’aan ugu baqtiyaan Gobollada Dalka.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Nepal oo baaraysa Hiddesidaha Dadkii ku dhintay Daadadka ee ilaa hadda aan ehelkooda la aqoonsan

Dowladda Nepal ayaa sheegtay ku dhawaad 3 bil aan weli la aqoonsan qaar kamid ah…

30 mins ago

Qoorqoor “Laftagareen saaxiibo ayaan nahay waana raadinayna”

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ka hadlay munaasabad lagu…

1 hour ago

MW Xasan Sheekh oo sheegay in Dowladda ay diyaar u tahay wadahadalka shacabka Hiiraan

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in…

13 hours ago

DFS oo sheegtay in Ciidanka Xoogga diyaar u yihiin la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Mareykanka u sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka ay diyaar u yihiin…

14 hours ago

Hoggaamiyaha Galmudug oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Jowhar

Hoggaamiyaha Maamulka Galmudug oo khamiistii la caleemosaaray ayaa safarkiisii ugu horreeyay maanta uga baxay Dhuusamareeb…

22 hours ago

Suuriya oo Soomaaliya dib ugu soo celinaysa Xaasaska & Carruurta xubno katirsan Daacish

Dowladda Suuriya ayaa qaadaysa tallaab ay ku masaafurinayso Ajaanib isugu jirta Soomaali iyo Suudaanees kuwaas…

24 hours ago