War kasoo baxay Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu faah-faahiyay kulan maanta ay wada qaateen Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan oo wafdi uu hogaamiyaya shalay Magaaladaas gaaray.
Kulanka oo ka dhacay Al Yamama Palace waxa ay ugu wada hadleen Xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga, si loo dardar geliyo kaalmada Sacuudiga ee Soomaaliya.
Adeegaha Xamareyka ayaa soo dhoweyn kadib Wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre u sheegay in Dowladiisa ay soo dhaweyneyso dadaalada isbadalada ah ee ka jira Geeska Afrika.
Xubno ka socda Boqortooyada iyo Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo warfaafinta Soomaaliya ayaa kulanka Goobjoog ka ahaa.
Wakaaladda Wararka U faafisa Sacuudiga SPA ayaa daabacday in kulanka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, labada dhiancne ay isla garteen in la dardar geliyo Xiriirka iyo isbadalada Nabadeed ee Geeska Afrika ka jira.
Labada Wasiir Arrimo Dibadeed ee Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixan doono Heshiisyada iyo Ballanqaadayda Boqortooyada ay u sameyneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ahaa labo Cishe ayaa la filayaa in uu soo gaba-gaboobo, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in Sacuudiga uu Mashaariic u ballanqaaday Dowladda Federaalka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…