Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta guud ee gobalka Banaadir oo lagu qabtay xarunta maamulka gobalka Banaadir.
Shirka oo looga hadlay dar-dar gelinta qorshaha adkaynta amniga iyo sare u qaadidda bilicda caasimadda, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kusoo bandhigay wixii uu magaalada kusoo arkay intii uu ku jiray kormeer uu ugu kuur gelayay heerka uu gaarsiisanyihiin amniga iyo nadaafadda degmooyinka gobalka Banaadir.
Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen taliyaasha xoogga, guddoomiyaha gobalka, kuxigeennadiisa, taliyayaasha ciidanka xoogga, booliiska iyo Asluubta ayaa si qota dheer looga hadlay in dhammaan dhinacyadu iska kaashadaan sidii amniga loo gaarsiin lahaa heerka ugu wanaagsan si looga hor tago falalka Shabaab ku beegsadaan bulshada Soomaaliyeed.
Shirka ayaa sidoo kale looga dooday nadiifinta caasimadda iyo sare u qaadidda bilicda si bulshada ku nool ay ugu ciidaan magaalo qurux badan oo aan qashin la hayn, waxa uuna Ra’iisul wasaaruhu faray maamulka gobalka iyo dhammaan hay’adaha kale in ay si is-xilqaan ah ugu istaagaan hagaajinta nadaafadda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyayaasha degmooyinka gobalka ku dhiirri geliyay in ay si gaar ah isaga xil saaraan nadaafadda degmooyinka ay madaxda ka yihiin, isaga oo u ballan qaaday maamulkii nadaafadda degmadiisa hagaajiya in abaal marinno uu ku farxo la guddoonsiin doono.
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…