GUDAHA/wararka

Roshan Reddy oo ah Suxufi baara Musuqa oo lagu waayay Jabuuti

Suxufiga lagu magacaabo Roshan Micah Reddy iyo qof deegaanka ah oo caawinayay oo lagu magacabo Kooki Mahmoud ayaa xogtooda lagu waayay Jamhuuriyadda Jabuuti halkaasi oo uu u joogay howlo shaqadiisa la xiriirta sida ay ku warrantay Hay’adda Difaacda Suxufiyiinta ee CPJ.

War kasoo baxay CPJ ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Jabuuti laga dalbaday in ay xogta Suxufigaan u dhashay Dalka Koofur Afrika ay soo gudbiso sida haddii uu xiran yahay iyo haddii la afduubtay maadaama ay ka walaacsan tahay Hay’addu.

Roshan Micah Reddy waa Suxufi baara Musuqa, Maamulka Dowladeed iyo Siyaasadda waana nin fadhigiisu yahay Magaalada Johannesburg ee Dalka Koofur Afrika isaga oo xog-baaris kaddib soo gudbiya macluumaadka uu soo helay.

Xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa laga sugayaa jawaabta ay ka bixiso macnaashiyaha Suxufigaan u dhashay Dalka Koofur Afrika ee lagu waayay Dalkaas waxaana jira warar sheegaya in la xiray oo baaris lagu wado inkasta oo aan la xaqiijin arrintaas.

Dalal uu horay u tagay Reddy waxa uu kasoo gudbiyay Warbixinno uu kasoo diyaariyay oo uga hadlay Musuqa, Siyaasadda iyo Hannaanka ay u shaqeeyaan Dowladaha maamula Dalalkaas iyada oo falcelin kala duwan uu kala kulmay kaddib baahintiisa.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Masar oo sheegtay in ay Soomaaliya ka taageerayso dagaalka AS

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Masar…

6 hours ago

Muxuu hoggaamiye Aadan Madoobe kala hadlay Taliska Qeybta 60-aad ee Militeriga Soomaaliya?

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa warbixin ka dhageystay Taliska Qeybta…

9 hours ago

Tanzania oo laga helay Maydadka toban Libaax oo la sheegay in la sumeeyay

Dalka Tanzania waxaa laga helay Maydadka toban Libaax oo lagu hayay Aagga Hay’adda Qaramada Midoobay…

11 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u safraya Maraykanka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacadaha soo socda ku wajahan Magaalada New…

13 hours ago

Dunida oo maanta laga maamuusayo maalinta Nadaafadda Adduunka

20ka September waxaa sannad weliba la maamuusaa Maalinta loo gaarka yeelay Nadaafadda Adduunka iyada oo…

13 hours ago

Barakacayaal ku sugan Gobolka Bari oo xaalad adag wajahaya

Boqollaal qoys oo horraantii bishaan ka barakacay Deegaanka Ceelgaal ee Degmada Qandala ee Gobolka Bari…

16 hours ago