Dalka Tanzania waxaa laga helay Maydadka toban Libaax oo lagu hayay Aagga Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNESCO u aqoonsatay in la ilaaliyo isla markaana ay tahay goobaha taariikhiga ah ee duur-joogta Dalkaasi ku sugan yihiin.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Libaaxyada baaris lagu sameeyay lagu ogaaday in la sumeeyay inkasta oo hadda lasii baarayo nooca suntaas, cidda ka dambaysay, in ula kac ficilkaas loogu gaystay iyo waxyaabaha kale ee xaqiiqadooda la raadinayo.
Inkasta oo Dowladda Tanzania aanay ka hadlay arrintaas balse waxaa jira xogo laga helay Saraakiil katirsan kuwa qaabilsan duur-joogta oo sheegay in deegaanka Ndutu ee katirsan Aagga Ngorongoro laga helay maydadka tobankaas libaax 18kii Bishaan.
Waxaa jira dacwado diiwaanka galay oo la xiriira in Dadka xoolo dhaqatada ah ee dhulkaas ku nool ay dhowr jeer cabasho ka keeneen qaar kamid ah Libaaxyada halkaas ku nool oo ka cunay xoolihii ay dhaqanayeen inkasta oo aan la xaqiijin Karin in dadkaas ay dileen iyo in kale.
Dhacdadaan ma ahan mid ugub ku ah Dalka Tanzania oo horay sidaan oo kale waxaa lagu dilay Raxan Libaaxyo ah kuwaas oo dilkooda loo adeegsaday hub, dabin loo dhigay, Fallaaro iyo Sun loo mariyay hilibka xoolo ay dhaawaceen.
Kooxaha u dooda duur-joogta ee Dalka Tanzania ayaa Dowladda ka codsaday in ay baaris dhammaystiran oo ay la socoto ciqaab sharci oo la marsiiyo Dadka ay ku caddaado in ay ficilkaan gaysteen ay samayso si duur-joogtu ay u badbaaddo.
Mustaqbal
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Masar…
Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa warbixin ka dhageystay Taliska Qeybta…
Suxufiga lagu magacaabo Roshan Micah Reddy iyo qof deegaanka ah oo caawinayay oo lagu magacabo…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacadaha soo socda ku wajahan Magaalada New…
20ka September waxaa sannad weliba la maamuusaa Maalinta loo gaarka yeelay Nadaafadda Adduunka iyada oo…
Boqollaal qoys oo horraantii bishaan ka barakacay Deegaanka Ceelgaal ee Degmada Qandala ee Gobolka Bari…