20ka September waxaa sannad weliba la maamuusaa Maalinta loo gaarka yeelay Nadaafadda Adduunka iyada oo diiradda la saaro heerka nafadaadeed ee Caasimadaha Caalamka, Cunnooyinka Wasaqaysan iyo dhibaatooyinka laga dhaxli karo.
Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Deegaanka loona soo gaabiyo UNEP ayaa Dadka ku dhiirrageliyay in ay ka shaqeeyaan helista deegaan nafadeed oo wanaagsan si looga hortago dhibaatooyinka Caafimaad darro ee Bulshadu la kulmi karto.
Sidoo kale UNEP ayaa soo jeediyay in xoogga la saaro sidii looga shaqayn lahaa Nadaafadda Magaalooyinka kala duwan ee Caalamka iyada oo diiwaanka hay’addaas ay ku jiraan meelaha ugu darran ee Wasaqda ka jirto.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in marka la eego dhinaca cunnada aan wanaagsanayn ama wasaqaysan ay tahay halista ugu weyn ee jirta iyada oo ku dhowaad 2.3 Bilyan oo Dad ah ay wajahayaan xaalado ka dhashay Arrintaas.
Dalalka ay ka jiraan dhibaatooyinka dhinaca nadaafadda ah ayaa loogu baaqay in ay howl adag ka qabtaan arrintaas si meesha looga saaro halista dib ugu soo noqon karta Bulshooyinkooda sida lagu xusay bayaanka Qaramada Midoobay kasoo baxay.
Soomaaliya iyo sida ay arrintaan uga jirto:
Warbixin ay soosaartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca Deegaanka waxa ay ku sheegtay in qiyaastii 103 Kiil-garam uu qofkiiba sannadkii soo saaro taasi oo ka dhigaysa in 1.59 Milyan oo tan guud ahaan sannadkii oo qashinka cuntada ah laga soosaaro guryaha.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sannadkii 2024 waxa ay saxiixday heshiis ku saabsan kahortagga qashinka balse meelaha weli ay ka jiraan arrintaan waxaa kamid ah Badda, Waddooyinka iyo goobo kala duwan sida hadalka loo dhigay.
Barnaamijka UNEP ayaa intaas ku daray in Magaalada Muqdisho ay maalintii soosaarto qashin lagu qiyaasay 2,500 oo tan iyada oo qashinka qaar lagu daadiyo Waddoooyinka, Xeebaha iyo meelo kale oo ka mamnuuc ah in lagu qubo ama lagu daadiyo.
Mustaqbal
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Masar…
Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa warbixin ka dhageystay Taliska Qeybta…
Dalka Tanzania waxaa laga helay Maydadka toban Libaax oo lagu hayay Aagga Hay’adda Qaramada Midoobay…
Suxufiga lagu magacaabo Roshan Micah Reddy iyo qof deegaanka ah oo caawinayay oo lagu magacabo…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacadaha soo socda ku wajahan Magaalada New…
Boqollaal qoys oo horraantii bishaan ka barakacay Deegaanka Ceelgaal ee Degmada Qandala ee Gobolka Bari…