Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Masar ee Soomaaliya, Maxamed Saalax Keshtah iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Masar.
Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga.
Labada dhinac ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan arrimo dan u ah labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga amni iyo difaac.
Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada ay siiso ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, iyo sidoo kale kaalinta ay ka qaadato dadaallada Soomaaliya ee la dagaallanka AS iyo dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Mustaqbal
Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa warbixin ka dhageystay Taliska Qeybta…
Dalka Tanzania waxaa laga helay Maydadka toban Libaax oo lagu hayay Aagga Hay’adda Qaramada Midoobay…
Suxufiga lagu magacaabo Roshan Micah Reddy iyo qof deegaanka ah oo caawinayay oo lagu magacabo…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacadaha soo socda ku wajahan Magaalada New…
20ka September waxaa sannad weliba la maamuusaa Maalinta loo gaarka yeelay Nadaafadda Adduunka iyada oo…
Boqollaal qoys oo horraantii bishaan ka barakacay Deegaanka Ceelgaal ee Degmada Qandala ee Gobolka Bari…