Ra’isalwasaaraha Somaliya oo faragelin ku sameeyay murankii Wasaaradda arrimaha dibadda

Wararka qaar waxaa ay sheegayaan in intii doodad socotay uu Ra’isalwasaaraha Soomaaliya la hadlay Taliyaha Booliska Soomaaliya kuna amray in ciidanka dib uga baxaan Wasaaradda sidaasna wasiirka ku joogay xafiiskiisa.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud waxa uu ku shaqeynayaa Xafiiskiisa kaddib xal laga gaaray qorshe la doonayay in lagu xiro.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo jooga Garowe ayaa sheegay in Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre uu bixiyay amarka ay Ciidankii warqadda watay uga tageen Wasaaradda.

Ciidamo watay Warqadda amarka soo xiridda Wasiir ku xigeenka ayaa saaka tagay Xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya,waxaana iskuday ay ku doonayeen in ay wasiirka ku xiraan  isu beddelay gacan kahadal sababay rasaas kooban oo ka dhacday xarunta Wasaaradda.

Muranka ugu badan ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay warqad ka timid Xafiiska Xeer ilaalinta,taas oo lagu sheegay in Wasiirka laga doonayay kharashka ay ku shaqeyso Wasaaradda ee (Running Cost),taas oo ay dalbatay wasaaradda Maaliyadda hayeeshee aan la maanta suurta gelin.

Mustaqbal Radio

Mustaqbal media

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

4 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

7 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

9 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

10 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

11 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

11 hours ago