Banaadir

Ra’iisul wasaare Xamse oo warbixin ka dhageystay Safiirka Turkiga iyo Shirkadda maamusha Garoonka Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş, iyo madaxda Shirkadda Favori oo maamusha Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorshayaasha horumarineed ee shirkadda Favori ay ku wado garoonka, si loo kordhiyo tayada iyo casriyeynta adeegyada ay bixiyaan qeybaha kala duwan ee garoonka.

Madaxda shirkadda ayaa Ra’iisul Wasaaraha u soo bandhigay qorshe lagu hagaajinayo adeegyada garoonka, taas oo ujeeddadeedu tahay in Garoonka Aadan Cabdulle uu noqdo mid la jaanqaada heerarka caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Madaxda shirkadda Favori u sheegay in garoonku yahay albaabka ugu weyn ee dalka laga soo galo, sidaas darteedna uu u baahan yahay in la horumariyo adeegyadiisa.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu hoosta ka xariiqay xiriirka qotada dheer ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib u dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Mustaqbal

 

 

 

 

 

 

 

 

 

MM Staff

Recent Posts

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

40 mins ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

3 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

4 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

5 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

5 hours ago

Guddoomiyaha KMG oo magacowday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…

19 hours ago