Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa lagu wadaa in ay safar ku tagaan magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo.
Booqashadan oo la filayo in ay dhacdo maalmaha soo socda ayaa ujeedadeedu tahay xoojinta xiriirka DFS iyo maamulka SSC-Khaatumo. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa la kulmi doona madaxda maamulka SSC-Khaatumo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Intii uu socdo socdaalka, waxa la filayaa in Ra’iisul Wasaaruhu dhagax-dhigo mashaariic horumarineed oo lagu taageerayo dib-u-dhiska iyo horumarka deegaannada SSC-Khaatumo. Dad badan ayaa socdaalkan u arka mid sare u qaadaya maqaamka maamulka SSC-Khaatumo oo weli Dowladda Federaalka u aqoonsan tahay mid ku meelgaar ah.
Magaalada Laascaanood ee Ra’iisul wasaare Xamse tagayo ayaa waxaa ka dhacay dagaallo u dhaxeeyay maamulada Somaliland iyo SSC Khaatumo, kuwaasi oo ay dad badan ku geeriyoodeen.
Si kastaba ha ahaatee, socdaalkan ayaa la filayaa inuu caddeeyo mowqifka dowladda ee ku aaddan taageerada maamulkaasi iyo horumarinta gobollada SSC.
Waa markii ugu horreysey taariikhda muddo 56 sano ah Mas’uul xil sare ka haya dowladda Federaalka tago magaalada Laascaanood, tan iyo sannadkii 1969, markaasi oo Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke, isaga oo booqasho halkaasi ku jooga lagu dilay.
Mustaqbal
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…