Garoonka diyaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shil ku gashay diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay xilli ay soo dageysay.
Hay’adda Duulista Rayidka ayaa sheegtay ayaa faahfaahin ka bixisay shilka diyaaradda ku dhacday garoonka Aadan Cadde, iyada oo warsaxaafadeedka ay soo saartay ku sheegtay cilad farsamo oo dhanka sanka ah kala kulantay.
Diyaaraddaan ayaa ka duushay garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho saacadu markay ahayd 11:16 xilliga Soomaaliya, iyada oo ku sii jeeday magaalada Baydhabo. Sidoo kale, Hay’adda Duulista Rayidka ayaa sheegtay in aysan jirin wax khasaara ah oo ka dhashay shilka.
“Markii la ogaaday arrinta, shaqaalihii diyaaradda waxay bilaabeen inay dib ugu laabtaan Muqdisho. Diyaarada ayaa si nabad ah u fulisay Caloosho ku soo degtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle 13:28 Saacada Geeska Afrika. Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay, iyadoo burburka diyaaradda uu ahaa mid aad u yar,” ayaa lagu yiri, qoraal ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka.
Shilalka Diyaaradaha ee ka dhaca garoonka aadan cadde ee Muqdisho ayaa soo laalaabanaaya, iyada oo todobaad gudahood tiro laba jeer shil ka dhacay garoonka.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…