Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar, Mustafa Madbouly. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ee Soomaaliya iyo Masar.
Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, horumarka, ganacsiga iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan leh.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka labada dal, isagoo hoosta ka xarriiqay in sii adkaynta calaaqaadka taariikhiga ah ay tahay mid muhiim u ah labada dal.
“Wuxuu sidoo kale muujiyay sida ay muhiimka u tahay in la abuuro iskaashi xooggan oo dhinaca amniga ah, si loo wajaho caqabadaha iyo khataraha guud ee ka jira gobolka, gaar ahaan la dagaalanka kooxaha khatarta ah sida khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska ra’iisul wasaare Xamse.
Ra’iisul wasaaraha ayaa Masar uga mahadceliyey taageerada ay siiso, gaar ahaan deeqaha waxbarashada oo ay ka faa’iideystaan ardeyda Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Masar, Mudane Mustafa Madbouly, ayaa carrabka ku adkeeyay in Masar ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga, iyo arrimaha bulshada.
Wuxuu sidoo kale muujiyay sida ay Masar uga go’an tahay in ay sii wado deeqaha waxbarasho ee ay siiso ardayda Soomaaliyeed, taasoo qayb ka ah xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.
Mustaqbal
Maxkamadda Sare ee dalka Pakistan ayaa maanta soo saartay amar la xiriira in raysal wasaarihii…
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u soo safray magaalada Muqdisho, ka dib safar…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cali ayaa maanta…
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dowladda ku dadaaleyso sidii ay isugu…
Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay waddada isku xirta…
Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa codsaday in loo sameeyo adeeg caafimaad iyo daryeelka ay…