Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u codeeyay Xildhibaanka buuxinaya Xubintii ka bannaaneyd Guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka Dalka.
148 Xildhibaan ayaa u codeeyay in uu Xildhibaan Qaasim Cabdikariin Cilmi buuxiyo xubintas halka ay ka aamuseen labo mudane sida uu sheegay Shir guddoonka kulanka Golaha Shacabka oo soo gudbiyay natiijada kasoo baxday codeyntaas.
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaqo adag ka haya dib u eegista iyo wax ka baddelka Dastuurka Dalka, fadhigii kan ka horreeyay Golaha ayaa ku guuleystay in uu qabyotiro cutubyada ugu horreeya Dastuurka.
Guddigaan waxa uu la soconayaa dib u eegista Dastuurka, marka la doonayo shaqada laga qabtay Dastuurku in loo gudbiyo Golaha Shacabka waxa uu door firfircoon ka qaadanayaa horgeynta Xildhibaannada iyo u gudbinta Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka.
Mustaqbal
Maxkamadda Sare ee dalka Pakistan ayaa maanta soo saartay amar la xiriira in raysal wasaarihii…
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u soo safray magaalada Muqdisho, ka dib safar…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cali ayaa maanta…
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dowladda ku dadaaleyso sidii ay isugu…
Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay waddada isku xirta…
Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa codsaday in loo sameeyo adeeg caafimaad iyo daryeelka ay…