Musharaxa xilka madaxweyne ee dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ahaa wasiir-dowlaha wasaaradda howlaha guud ayaa iska casilay xilkii wasaaraddaas kaddib safar uu ku tegey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.
Qoorqoor oo ay harreer fadhiyeen xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed, Senator Yuusuf Geelle Ugaas-Dhegey iyo Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) ayaa sheegey in uu banneeyey xilka Wasaaradda una gudbiyey raisalwasaare Kheyre in iscaislaaddiisa.
Iscasilaadda Qoorqoor maxay kadhigan tahay?
Inkasta oo ay suuragal tahay in uu wajaho tartan adag sidii looga bartay doorashada Galmudug haddana waxa uu muujiyey in uu haysto kalsooni iyo taageero dheeri ah oo ay dadka faalleya doorasada Galmudug u arkaan in inteeda badan ay ka imaaneyso dhinaca xukuumadda iyo taageerayaasheeda.
Musharax Axmed Cabdi Kaariye waxaa kula tartamaya xilka madaxweynaha Galmudug ugu yaraan 3 Musharax oo kale kuwaas oo kala ah xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Kamaal Daahir Guutaale iyo Cabdi dheere.
Dad badan waxa ay aqabaan in hardanka ugu badan uu dhexmari doono Qoorqoor iyo Odowaa taasna waxa suuragal ah in ay xagga dambe ka riixayaan awoodaha siyaasadeed ee federaalka sida xukuumadda iyo xisbiyada Mucaaradka.
Mustaqbal-Dhuusamareeb
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…