Ugu yaraan saddex Qof ayaa ku dhaawacantay kaddib markii uu qarax ka dhacay degaanka Lamu ee Dalka Kenya.

Taliyaha Howlgalka xoreynta keynta Booni,  Joseph Kanyiri, ayaa sheegay in qaraxa oo ay dhigeen AL-shabaab sida uu hadalka u dhigay uu dhaawac culus ka soo gaaray saddex qof.

Gaariga uu qaraxa qabsaday ayaa lagu sheegay in uu ahaa Gaari Xamuul ah oo ka soo baxay degaanka Sankuri.

Waxaa uu sheegay in dadka Qaraxaas ku dhaawacmay la geeyay Isbitaalka Kiunga,waxaana uu intaas ku daray in kaddib loo wareejinayo Isbitaalka Boqor Fahad oo ku yaalla Lamu.

Dadka qaraxa ku dhaawacmay ayaa kala ahaa labada Darawal ee Gaariga weyn iyo kaaliyahoodii,waxaana ay Badeeco ka qaadeen degaanka Kiunga iyada oo u waday Magaalada  Hindi.

Agaasimaha howlgalka xoreynta Kenyta Booni ayaa sheegay in ay qaraxa kaddib baaritaan ka sameeyeen degaanka uu qaraxa ka dhacay iyo dhulka ku xeeran ayna ku daba jiraan kuwa qaraxa ka dambeeyay.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

10 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

13 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

15 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

16 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

17 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

17 hours ago