Qarax ka dhacay banaanka hore ee maqaaxida The Village.

Wararka naga soo gaaraya degmada Hodan, ayaa sheegaya in goordhow qarax uu ka dhacay Afaafka hore ee mqaaxida The Village, iyadoo jugta qaraxa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay gaari yar oo Nooca Raaxada ah kaasoo horyaala Maqaaxida oo ku taala inta u dhexeysa Zoobe iyo Banaadir.

Saraakiil katirsan laamaha amaanka ayaa u sheegay Mustaqbal in qaraxa gaarigeeda loogu xiray gabar uu dhacay Ninka iskaleh maqaaxida oo lagu magacaabo Axmed Village, laba qof ayaa la xaqiijyay iney ku dhaawacmeen qaraxa.

Gaariga qaray, ayaa saameeyay gawaari kale oo u dhaweyd, taasoo keentay in mar kaliya Uuro ay cirka is qabsato.

Ciidamada amaanka ayaa tagay goobta, iyagoo wada baaritaano la xiriirta sida ay wax u dheceen, waxeyna xireen wadada gasha Maqaaxida.

The Village dhowr jeer oo hore waxaa horteeda uga dhacay qarax kan la mid ah, waana meel dadku ay tagaan waxa ka danbeeyay Casarkii, iyadoo ay ku dhowyihiin dhismooyinka PIZZA House iyo Maqaaxida kale ee Bosh.

Mustaqbal media

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

7 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

9 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

13 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

14 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

14 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

14 hours ago