Qadar oo ballan qaadday dhismaha Ciidanka Somaliya

Saraakiil ka socota Dalka Qadar ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho,kuwaas oo kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyua.

Jen. Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe,ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Saraakiil ka socotay Milatariga Dalka Qadar oo uu hoggaaminayay Maxamuud al Qasaal.

Wafddiga saraakiisha Qadar waxaa la socday danjiraha Qadar ee Soomaaliya,waxaana ay saraakiisha Ciidanka Soomaaliya kala hadleen dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Taliye Daahir Aadan Clmi Indhaqarshe ayaa sheegay in ay Dowladda qadar ballan qaadday ka qeybqaadashada dhismaha Ciidanka Soomaaliya.

Waxyaabaha ay ballan qaadday waxaa ka mid ah taageeridda Ciidamada ee dinaca farsamadada iyo tababarka Ciidanka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirta dib u dhiska Ciidanka Soomaaliya waxaana ka taageera dowlado kala duwan oo ay dowladda Turkiga uguhorreyso.

Mustaqbal media

Recent Posts

Soomaaliya iyo Pakistan oo wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca Amniga iyo Difaaca

Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa wada saxiixday heshiis Is afgarad ah oo la xiriira Iskaashiga…

24 mins ago

DFS ayaa shaacisay in ay fududeynayso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari

Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhiirigalineyso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Bari…

36 mins ago

Dadka Qasa oo maanta Salaada Janaasada ku tukuday 112 ruux oo 3 sano ka dib la helay Meydadkooda

Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…

2 hours ago

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

3 hours ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

8 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

8 hours ago