Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa ku goodisay in ay qaadayso tallaabo ka dhan ah ciidamada iyo saraakiisha ku dhawaaqay in ay la shaqaynayaan Dowladda Federaalka, Maamulka Madaxweyne Deni ayaa sheegay in aanay labo ciidan wada joogi doonin deegaannada maamulkas.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Dowlad-Goboleedka Puntland, Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax (Dujaana) ayaa sheegay in ay indhaha ku hayaan ciidamada lasoo bandhigo ee sheegta in ay kasoo goosteen Dowlad-Goboleedkaas sida uu hadalka u dhigay.
Dujaana ayaa intaas ku daray in aanay la aqbali Karin ciidan u dhaxeeya kuwa Maamulkaas iyo Daacish oo kasoo horjeedda, waxaana uu intaas ku daray in waqti kasta ay qaadi doonnaan tallaabo ka dhan ah ciidankaas sida uu yiri.
“Puntland labo ciidan mawada joogayaan, ciidan ka dhinac samaysmi kara ma jiro, ciidanka Puntland iyo kuwa cadawga ah oo ah Shabaab & Daacish wax ka dhaxeeya ma jiro, xiliga loo baahda ayaa tallaab qaadaynaa” sidaasi waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Amniga DG Puntland & DDR-ta, Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax (Dujaana).
Muddooyinkii dambe waxaa Warbaahinta la hadlayay Ciidamo iyo saraakiil sheegay in ay isaga tageen ciidamada Dowlad-Goboleedka Puntland kuwaas oo si toos ah ugu wareegay Dowladda Dhexe ee Federaalka, Maamulka Deni ayaa horay u qiray ciidankaas inkasta oo uu hadda ku goodiyay in uu qaadayo tallaab ka dhan ah.
Mustaqbal
Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…