GUDAHA/wararka

Puntland oo codsatay in lala baaro Markabka sida Saanada ciidan ee lagu hayo Dekadda Boosaaso

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa ka jawaabay war saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka oo la xiriiray xaaladda Markabka MV Sea World, kaas oo lagu qabtay xeebaha gobolka Bari, gaar ahaan agagaarka degmada Bareeda.

Puntland waxay sheegtay in markabkan laga shakiyay iyadoo ay saaran yihiin saanad ciidan oo loo waday magaalada Muqdisho.

Maamulka ayaa sheegay in markabkan uu dalka soo galay 18-kii Luulyo 2025, iyadoo la helay xogta la xiriirta in markabkaas uu ku sugan yahay xeebaha maamulkaasi.

“Ciidamada Ilaalada Xeebaha Puntland ayaa markabka gacanta ku dhigay, kadib hawlgal ay sameeyeen, waan baarnay waxaana si horudhac ah u ogaanay inuu kaliya qalab militeri sido” ayaa lagu yiri bayaanka Puntland.

Sidoo kale, Puntland ayaa sheegtay inuu la soo xiriiray Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, isaga oo kala hadlay xaaladda Markabka Sea World.

Ugu dambeyn, Puntland ayaa codsatay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga ka caawiyaan baaritaanka Markabka sida saanada ciidan kuna soo jeeday Magaalada Muqdisho.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

 

Mustaqbal

 

MM News

Recent Posts

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

9 mins ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

3 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

3 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

3 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

14 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

16 hours ago