Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa Macalin Daadir Aamiin Cali maanta u magcaabay tababaraha xulka 17 jirada Soomaaliya.
Daadir Aamiin Cali oo ah ciyaaryahan hore iyo macalin si weyn looga yaqaan kubadda cagta Soomaaliya ayaa loo magacaabay xulka 17-jirrada Soomaaliya.
Daadir Aamiin Cali ayaa markii ugu horreysay xulka kubadda cagta Soomaaliya u ciyaaray sanadkii 2011-kii, iyadoo kadibna uu sanado badan matalay qaranka.
Macalin Daadir Aamiin Cali ayaa u soo ciyaaray kooxaha kala ah Muqdishu City Club (MCC), horayna loogu aqoon jiray Banaadir Sports Club, iyo naadiga Elman Sports Club.
Macalinka cusub ee loo magacaabay xulka 17-jirrada Soomaaliya, Daadir Aamiin Cali, ayaa soo gabagabeeyay waqtigiisa ciyaarista kubadda cagta sanadkii 2019-kii.
Kadib markii uu ka fariistay ciyaarista kubadda cagta, Daadir Aamiin Cali ayaa noqday macalin kobadeed ama tababare isagoo soo layliyay qaar ka mid ah kooxaha horyaalka dalka.
Macalin Daadir Aamiin Cali ayaa sidoo kale layliyay xulka gobolka Banaadir tartanka maamul-goboleedyada Soomaaliya, isagoo hal jeer kula guuleystay tartanka.
Macalin Daadir Aamiin ayaa sidoo kale Muqdishu City Club (MCC),waxaa uu kula guulaystay soryaalka Soomaaliya.
Mustaqbal
Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…