OLNF oo berri u soo guureysa Jijiga

Ururka ka dagaallama Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in ay ka soo guurayaan Magaalada Asmara ee Caasimadda Dalka Eritrea.

Hoggaanka ONLF ayaa sheegay in Saraakiisha iyo Ciidamada ONLF ee ku sugan Asmara diyaarado looga soo qaadayo Magaalada Asmara lana dejinayo Magaalada Jigjiga ee  caasimadda Ismaamulka Soomaalida.

Isniintii shalay ayuu Afhayeenka Ururka ONLF  xaqiijiyay in maalinta Arbada ah ee Berri ah ay Madaxda iyo Saraakiisha Ciidamada ONLF u soo wareegayaan Magaalada Jigjiga halkaas oo noqon doonta xafiiska ay ka howlgalayaan.

Dhawaan ayey dowladda Itoobiya iyo ONLF gaareen heshiis buuxa kaas oo lagu sameeyay Guddi isku dhaf ah,waxaana qodobada lagu heshiiyay ka mid ahaa in ONLF ay noqoto Urur  Siyaasadeed ujeeddooyinkiisa ku gaara hab nabadeed hubkana dhigaan.

Dhinaca dowladda Itoobiya waxaa ay Ururkan iyo kuwo la mid ahaa ka saartay liiska Ururrada Argagixisada ah ee ku jiray diiwaan.

Kulankii ugu dambeeyay ee dhexmaray Madaxda Itoobiya iyo Ururka ONLF dhinaca Dowladda Itoobiya waxaa hoggaaminayay Wasiirka arrimaha dibadda Workneh Ghebeyehu, kaas oo dowladda u saxiixay heshiiska dhinaca Ururka ONLF waxaa heshiiskaas u saxiixay Hoggaamiyaha  Ururka Admiral Maxamed Cumar Cismaan, heshiiskaas oo lagu kala saxiixday magaalada Asmara ee Caasimadda Eritrea.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

7 mins ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

31 mins ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

18 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

18 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

18 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

21 hours ago