Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Neymar oo wajahaya Xabsi 6-sano ah,Sabab?

Xidigii hore ee kooxda Barcelona Neymar ayaa lasop warinayaa inuu gali doono xabsi 6-sano ah kadib kuso biritaankiisii Barcelona oo sharci daro lagu tilmaamay.

Sida ay baahisay AS, Jose Vazquez oo ah garsooraha maxkamada sare ee dalka Spain ayaa go’aansaday inuu qaado dacwada lagu soo oogay Neymar iyo Sandro Rosell.

Waxaana dacwadaan qaadaya 3-garsoore taas oo dib u dhigi karta in maxkamadayntu ay bilaabto waqti hore maadaama kiisu uusan ahayn kaliya mid quseeya hal dhinac.

Neymar ayaa loo haystaa inuu qaab tahriib ah ugu soo biiray Barcelona 2013 markaas oo uu ka soo dhaqaaqay kooxda Santos ee dalka Brazil, heshiis kaas ayaana loo aqoon saday mid aan sharci ahayn.

Madaxwaynihii waqtigaas ee Barcelona ee Sandro Rosell ayaa haatan xabsi ku jira kadib markii lagu helay dambi ah inuu kamid ahaa qolooyinka lacagaha dhaqa.

Haddii la cadeeyo in Neymar uu wax ka ogaa wax is daba mariskii Sandro Rosell uu ku keenay Barcelona 2013, wuxuu mutaysan doonaa xabsi dhan 6-sano.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

54 mins ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

1 hour ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

3 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

3 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

4 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

18 hours ago