Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababbar u soo xiray Dufcadda 4-aad ee Layli Sarkaal iyo Dufcadda 5-aad ee Layli Saraakiil Xigeen ee ka baxa Dugsiga Tababbarka Ciidamada Soomaaliyeed ee TurkSom.
Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud, Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raagge, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.
Ugu horreyn Madaxweyne Xasan ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga hirgelinta dugsigan oo la dhisay sanadkii 2015-kii, isaga oo sheegay in DF ay ka go’an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega sugidda amniga dalka.
“Hirgelintii dugsigan waxa ay billow u tahay in wakhti dhow aan gaarno in aan si buuxda, gudaha dalkeenna, ugu tababbaranno ciidankeenna. Waxaan u hamablyeynayaa waalidiinta, walaalaha iyo qoysaska ay ka soo jeedaan Saraakiishan iyo kuwii ka horreeyeyba ee halkan ka bixi jiray in ay u oggolaadaan ubadkooda ku biiridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” Sida uu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhanka kale Saraakiisha iyo Saraakiil-xigeennada ayaa soo bandhigay dhoollatus ay ku muujinayaan cududda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo gutay dhaarta dastuuriga ah ee la xiriirta in ay difaacayaan dalka, dadka, diinta iyo calanka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyay saraakiisha Tababarka bixineysay, sidoo kale waxa uu bogaadiyay Saraakiisha loo soo xiray maanta tababarka, isaga oo guddoonsiiyay shahaado.
Mustaqbal
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa cadaadis xooggan ku haya Wasiirradiisa isaga oo ku cadaadinaya…
Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah dib ugu furay diiwaangelinta ururrada…
Qoyska Matiabe Onchari oo ah 38 jir kasoo jeeda Tuulada Nyamondo, deegaanka Koofurta Mugirango ee…
Qaramada Midoobay ayaa dalbatay in baaritaan madaxbannaan lagu sameeyo howlwadeenno katirsan oo ku dhintay Xabsi…
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in dowladda ay qorsheyneyso dib…
Qaramada Midoobay ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeysay Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee…