GUDAHA/wararka

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo ku wajahan Maraykanka, Xilli dalkaas uu ku sugan yahay Hoggaamiye Cirro

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan Dalka Maraykanka si uu uga qaybgalo fadhiga guud ee Qaramada Midoobay iyada oo Dalkaas uu haatan ku sugan yahay Hoggaamiyaha Maamulka Waqooyi Galbeed, Cabdiraxmaan Cirro.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shirka guud ee Qaramada Midoobay uga xog-warrami doonna Xaaladda Dalka isaga oo soo bandhigi doonna in Soomaaliya laga gacansiiyo xoojinta Amniga, La dagaalanka AS, Arrimaha Bani aadamnimada & in Dalka la maalgashado.

Soomaaliya waxa ay hadda kamid tahay 15ka Dal ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyada oo muddo xileedkaas uu ka idlaan doonno marka la gaaro 31ka December sannadkaan 2026

Shirka guud ee Qaramada Midoobay ayaa furmaya 8da Bishaan oo ku beegan Talaadada waxaana ka qaybgalaya wakiilllo kala metalaya Dalalka xubnaha ka ah Golahaas, halka 22 bishaan ay si toos ah u billaabanayaan doodaha iyada oo ugu dambayn 28 lasoo xiri doonno.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah iyo kuwo guud la qaadan doonno mas’uuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin hoggaanka sare ee Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo Dalalka xubnaha ka ah Golahaas.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Safiirkii hore ee Turkiga oo sheegay in ay Soomaaliya keenayaan Maraakiib Kalluumeysi

Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…

10 hours ago

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

15 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

18 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

20 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

21 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

21 hours ago