Dowladda Kenya ayaa sheegtay in waaxda u qaabilsan dambiyada ay gacanta ku dhigeen Labo Gabdhood oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah waddankaas uga dhoofinayeen Dahab gaaraya 658 garaam.
Magacyada Gabdhahaan ayaa lagu kala sheegay Shukri Cabdullaahi Maxamed iyo Farxiya Xuseen Sabriye oo 4tii September 2026 lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Kenya ayaa sheegtay in Haweenkaan ay ku safri rabeen Diyaaradda Emirates ee Isutagga Imaaraatka Carabta leeyahay oo ku wajahnayd Dubai inkasta oo aan lasii shaacin in ay halkaas ku hakan rabeen iyo in ay kasii gudbi rabeen.
Arrintaan waxa ay daba socotaa kaddib markii Dalka Hindiya horay loogu qabtay Ganacsato u badan Soomaali oo qaarkood haysta sharciga Kenya kuwaas oo lagu qabtay Dahab ay si sharci darro ah ku gelinayeen Dalkaas iyada oo ugu dambayn maxkamad la horgeeyay.
Mustaqbal
Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…