GUDAHA/wararka

MW Qoorqoor oo ugu baaqay ganacsatada Galmudug in lala soo gaaro gurmad dadka ay abaartu saameysay.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo oo xalay gaaray degmada Wisil ee gobolka Mudug ayaa waxaa munaasabad ballaaran oo soo dhawayn ah loogu sameeyay Degmada Wisil ee Gobalka Mudug.

Axmed Cabdi Kaariye Madaxweynaha Galmudugoo lahadlay shacabka degmada Wisil ayaa ku ammaanay “Shacabka iyo maamulka degmada Wisil oo kaashanaya ciidamada Daraawiishta Galmudug, sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen kooxaha argagixisada, sidoo kalana uga difaaceen deegaanada dariska la ah Galmudug.”  Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug ayaa Bulshada Wisil la wadaagay in goor dhow golaha deegaanka ee degmada Wisil iyo degmooyinka kale ee Galmudug la dhisi doono. Ka dib markii todobaadkaan Golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedkaas ay u aqoonsadeen Degmo ka tirsan Galmudug.

Ugu Dambeyn Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye oo booqasho ku jooga halkaas ayaa ugu baaqay hay’adaha deeq bixiyayaasha iyo ganacsatada Galmudug in ay caawimaad deg deg ah lasoo gaaraan guud ahaan deegaanada Galmudug ee abaartu saameesay.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

15 mins ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

2 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

4 hours ago

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

20 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

23 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

1 day ago