Wafdi ay Hoggaaminaysay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka oo hadda ah ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar; oo maanta ka duulay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa ciidanka dowlad-goboleedka Puntland u diiday in Wafdigu u gudbo magaalada Boosaaso ee gobolka Bari kaddib markii diyaaraddii Wafdigu gaartay ay garoon diyaaradaha ee Boosaaso.
Sida ay Mustaqbal Media u sheegeen xubno katirsan Wafdiga Ujeedka Safarka guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka ayaa ah in gargaar loogu talagalay dadka ay abaartu saameysay la geeyo magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ee DG Puntland
Dhanka kale Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowlad Gobaleedka Puntland gaar ahaan PMPF-ta iyo PSF-ta ayaa ku dagaalamay Bannaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Dagaalka labada Ciidan ayaa salka kuhaya Ciidanka PSF oo doonayey in garoonka diyaaradaha Boosaaso laga soo dajiyo diyaaradda ay lasocoto guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, islamarkaana loo gudbiyo magaalada Boosaaso Balse ciidanka PMPF ayaa diiday in wafdiga xildhibaanaddu uu ka dego garoonka una gudbo Boosaaso.
Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Federalka iyo dagaalkii ka dhacay Boosaaso ee u dhexeeyey dowladda iyo ciidanka PSF ayaa ku reebay DG Puntland saameyn xun oo la xarriirta dhinaca siyaasadda iyo hoggaanka DG, balse madaxweynaha DG Puntland Siciid Deni oo u tartamay madaxweynaha Soomaaliya ayaa waday dhexdhexaadin iyo dib u habeyb ku saabsan DG Puntland iyada oo taasina weli aysan muujin miro badan.
La soco wixii ku soo kordha…
Mustaqbal
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…